Boliska dalka Yukrayn ayaa sheegay in Saxafigaasi oo la oran jirey Arkady Babchenko lagu dilay caasimadda dalkaasi ee Kiyeef.
Saxafigaasi caanka ah waxa uu mucaaradi jirey Madaxweyne Valadamir Putin, mana kala cadda cidda ka dambeysay dilkiisa oo u muuqday mid la sii qorsheeyey.
Dhinaca kale, Saxafi u dhashay dalka Meksiko ayaa shalay lagu dilay Koonfurta dalkaasi.
Boliska ayaa sheegay in Saxafigaasi oo la oran jirey  Hektor Gonzalez, si xun loo garaacay ilaa uu ka geeriyoodo.