Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa daahfuray munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ku saabsan sahanka caafimaadka iyo macluumaadka dadka Galmudug.
Munaasabadda oo Maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka ayaa waxaa si wadajir ah usoo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka iyo Qorsheynta ee Galmudug iyo Xafiiska Istaatistikada Qaranka.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa khudbad uu ka jeediyay Munaasabadda ku sheegay ahmiyadda ay u leedahay Galmudug xog ka helidda caafimaadka iyo arrimaha bulshada si loo qorsheeyo adeegga bulshada.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in sahanka Caafimaad ee la sameeyay lagu ogaaday baahiyaha ka jira dhinaca Caafimaadka, isla markaana xusay inay noqdeen maamulkii ugu horreeyay ee sahankaas sameeyay.
Qoorqoor ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in lagu shaqeeyo sahanka caafimaadka iyo macluumaadka lasoo uruuriyay, isagoona u mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Xafiiska Istaatistikada Qaranka.