Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa Shir ku sheegay Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka,iyagoona la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.
Kulanka u dhexeeyay labada dhinac Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka Bisha Octoober waxa uu Ajendihiisu ahaa Dhagaysiga Warbixita Amniga ee Magaalada Muqdisho iyo su’aalo waydiin Ku saabsan Xaalada Amni ee Dalka.
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Wasiirka amniga Xukuumada Maxamed Abuukar Islow Ducaalle waxa uu  uga warbixiyay xaalada amniga ee dalka,isla markaana wax laga weydiiyay Amniga Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale kulanka ayaa waxaa su’aalo lagu weydiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan (Saadaq Joon),iyadoona wax laga weydiiyay amniga Caasimadda oo maalmahan soo hagaagaya.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaatodobaadyadii la soo dhaafay laga daraameyay xaalad amni oo wanaagsan kadib markii Magalada Muqdisho lagu soo daadiyay Ciidamo farabadan oo boolis ah.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka Maanta.