Waxaa goordhow dalka Jabuuti gaaray Diyaarad siday wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Wefdiga ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa Mxamed Xaashi Carabeey, Xildhibaano ,Wsiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug.
Mausuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay,waxana hadda ay ku sugan yihiin Madaxtooyada Dowladda Jabuuti.
Ujeedada wafdiga ayaa lagu sheegay in ay ka qeybgeli doonaan wadahadalo Maalinta berito ah dalkaasi Jabuuti uga furmi doona Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca.
Hoos Ka Daawo Sawirrada