Howlgal ay Ciidamada Booliiska Sooamaliya ay ka sameeyeen degmada Cabdul Casiis ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay u suurtagashay in ay ku soo qabtaan waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay.
Howlgalkaan ayaa la sameeyay xalay waxaana Ciidamada sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Raggii watay iyo kuwo isticmaalayay Maan dooriyaha Intaba.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaas uu qeyb ka ahaa kan lagula dagaalamayo dadka Isticmaala iyo kuwa Iibiya waxyaabaha Maanka dooriya.
Waxa uu sheegay in hadda dadkii howlgalkaas lagu soo qabtay la geeyay Xarunta dembi baarista ee CID,da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay Afhayeen Xalane in dadkaan Maxkamada la horgeyn doono isla markaana sharciga la marsiin doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeen Xalane.