Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga.
Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee Magalada Baydhabo waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Kulan gaar ah ayay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku wada qaateen,iyaga oo ka wada hadlay sida ay u dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Wafdiga kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa dioo kale inta ay ku sugan yihiin Baydhabo waxa ay la kulmi doonaan Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed si loo dardargeliyo doorashada.
Waxaa la wada sugayaa in doorashada waqtiga loogu talo galay 17 Bishaan ay ku dhacdo wallow ay muuqato saan saan muujineysa inay doorashada dhici Karin maadaama waqtiga haray uu aad u yaryahay.