Sawirro:-Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa shirkan ka qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf , Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Caddaaladda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Guddoomyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir, Guddoomyaha maxkamadda Gobolka Banaadir, xildhibaanno, Culimaa’udiin, diblomaasiyiin iyo Wakiillo ka socda maxkamadaha Dowlad goboleedyada dalka.

Madasha Shirka waxaa hada ka soconaya Khudbado ay jeedinayaan Masuuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir uu sheegay in guul ay tahay Shirkan inay qabsato Dowlada Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu rajeynayo Labada Maalin uu socdo Shirka inay kasoo bixi doonaan waxyaabo muhiim u ah Hormarka Garsoorka Dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor