Magaalada Jabuuti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.
Wasiirka Difaaca Jabuuti ย Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan xafiisyadooda ku booqday Duqa Muqdisho,iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman
Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumoย Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuuti.