Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen toradii ugu badneed ee shilalka ahaa oo Sanadkaan gudihiisa ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shilalka ugu badan ayaa ahaa Mooto Bajaajta oo Magalada Muqdisho ay kumanaan Xabo ay ka holwgallan,waxaana shilalkaas sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Taraafikada Gobolka Banaadir Janeraal Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in Sanadkaan Gudihiisa uu dhacay 875 Shil oo 602 shil oo ka mid ah ay aheyd Mooto Bajaaj.
Hayeeshee uu sheegay in shilalkaas ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac intaba,isla markaana ay isugu jiraan dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.
Taliye Axmed Xasan Maalin ayaa sababaha shilalka Sanadkan ku soo batay Muqdisho ku sheegay in Darawalada qaarkood aysan aqoon Wadista Gaadiid iyo inay maraan wadada dhinac aysan ka laheyn,waxana uu ku eedeeyey inay sharciga bal maraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Taraafikada Gobolka Banaadir.