Xarumaha Ganacsi ee magaalada Boosaaso ayaa guud ahaan maanta xiran, xilli wali aysan isfaham gaarin Ganacsatada iyo Maamulka, waxaana magaalada ay maanta ku jirtaa jawi ka badalan midkii Ganacsi ee maalmihii tagay ay ku jirtay.
Shirkadaha waawayn iyo xarumaha ganacsi ee yar yar ayaa xiran, waxaana arrintan ay daba socotaa cabasho muddooyinkii ugu dambeeyay ka soo baxaysay ganacsatada, taasi oo ku aadanayd Khidmadaha Canshuur ee dawladu ay soo rogtay.
In badan oo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo gaaf wareegaya, gaar ahaan dariiqyada muhimka ah si ay uga hortagaan in mudaharadyo in ay dhacaan .
Arrintaan weli kama hadlin Maasuuliyiinta Maamulka Puntlabd iyo kan Boosaaso,waxayna Ganacsatadu cabasho ka muujinayaan arrintan.
Hoos Ka Daawo Sawiirada Suuqa Boosaaso.