Ciidamada RSF ee Sudan oo sheegay in weerar lagu soo qaaday

Ciidamada u hawl gala deg degga ee (RSF) ayaa ciidamada kasoo horjeeda – ee millatariga caadiga ah ee Suudaan – ku eedeeyay dhowr weerar oo xagga cirka ah, oo lagu qaaday saldhigyada ay ku leeyihiin qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Khartuum, inkastoo ay jirtay xabbad-joojin soo socotay maalmo.

RSF ayaa sheegtay inay dib u soo cusboonaadeen weerarada, inkastoo ay wali jiro xabad joojin.

Ciidamada deg deg u hawl galista ee “RSF” ayaa waxay sheegeen in weeraradii u danbeeyey lala beegsaday xaafado ka tirsan caasimadda.

Warbixin ay xalay soo saartay, oo ay heshay qeybta BBC Monitoring, ayay kooxdu ku sheegtay inay gacanta ku hayso inta badan magaalada Khartuum. Ma xaqiijin karto BBC-da warkan sugnaantiisa.

Qaar ka mid ah iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay ciidamada iyo RSF, ayaa ka dhacay agagaarka xarunta dhexe ee ciidamada iyo Aqalka Jamhuuriya ee magaalada Khartuum – iyo qeybo ka mid ah magaalada Khartuum ee mataanaha ah ee Umdurman.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor