Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo baabi’iyey heshiisyadii ay Dawladdii Xasan Sheekh ku bixisay Jardiinooyinka

Shir Jaraa’id oo uu Muqdisho Maanta ku qabtay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ku baabi’iyey heshiisyo ay horay u wada galeen ganacsatada Muqdisho iyo maamuladii ka horreeyey kaas oo lagula wareegay Goobahaha Darjiinada iyo beeraha ee ku yaalla Muqdisho.

Eng Yarisow ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadaas ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin,isla markaana dib loogala noqday heshiisyadii lagu bixiyey dhulalka darjiinooyinka iyo Beeraha.

Sababaha loo baabi’iyey heshiisyadaas ayuu ku sheegay in markii heshiisyada la gelayey aan loo marin tartan furan,sidaasna ay sharcidarro ku noqdeen.

Waxa uu ku amray Ganacsatada in ay dib maamulka ugu soo celiyaan goobaha danta guud sida darjiinada iyo Beeraha,oo uu sheegay in ay yihiin kuwo kor u qaadaya bilicda Caasimadda,mudo 30 Maalmood ahna ay ku soo wareejiyaan.

Waxa uu sheegay in cid alaala iyo cidii cabasho qabta ay la soo xiriirto balse ciddii ka soo horjeesata amarkaas tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay u baabi’iyey heshiisyo ay ka mid ahaayeen mid lagula wareegay Barxada Biyaaso liibaro,taas oo ugu dambeyn la burburiyey.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee guddoomiye Yariisow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor