• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 6, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddi saddex geesood ah

Bilan Media by Bilan Media
September 4, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullankii ugu horreeyay ee guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha Shaqada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO.

Dhismaha guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha shaqada Soomaaliya oo wareegto kusoo saaray Wasiirka Sadiiq Warfaa ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso guddigan, waxaana kullanka maanta ka qaybgalay dowladda federaalka, dowlad-gobolleedyada dalka, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo matalayay Shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matalaysay loo shaqeeyaha.

Madaxa hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ayaa ugu horreyn sheegay inuu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay fulisay mabaa’didda ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, wuxuuna ku ammaanay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada dowladda federaalka Soomaaliya in uu ku guuleystay inuu isku keenay guddiga saddex geesoodka ah, wuxuuna sheegay tallabadan inay billow u tahay shaqo abuur xoog leh oo dalka laga sameeyo.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), Cumar Faaruq Cismaan ayaa caddeeyay inay maanta u tahay Soomaaliya maalin weyn, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa dadaallada uu galiyay isu keenida iyo dhisida guddigan saddex geesoodka qaran iyo qabsoomida kullanka koowaad ee guddiga.

Cabdi Abshir Dhoore, agaasimaha maamulka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kullanka guddiga saddex geesoodka qaran, wuxuuna tilmaamay inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada socda ee Shaqada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku tilmaamay kullanka mid taariikhi u ah Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in loo baahanyahay shaqo abuur tayo leh iyo in la difaaco xuquuqda shaqaalaha ,iyada oo doorka ay qaadanayaan guddiga saddex geesoodka qaran.

“Dadaal dheer iyo waqti badan ayay qaadatay in aan guddigan seddax geesoodka ah dhisno oo aan kullankan uu qabsoomo, wuxuu billlow wanaagsan u yahay in la horumariyo barnaamijka kobcinta dhaqaalaha oo sahal u ah shaqo abuurka iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Waa markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya oo ah dalkii u dambeeyay ee ILO xubin ka ah uu sameeyo guddiga qaran ee saddex geesoodka ah,” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq Warfaa.

Guddiga saddex geesoodka qaran wuxuu sahlaya in la dedejiyo shaqo abuurka iyo siyaasadda horumarinta shaqaalaha,iyada oo la waafajinayo sharuucda dalka ,siyaasadda dowladda iyo qawaaninta caalamiga ah ee ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulankii ugu horeeyay la qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Next Post

Soomaaliya oo si rasmi ah uga Jawaabtay Codsigii Kenya ee dacwadda badda

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post

Soomaaliya oo si rasmi ah uga Jawaabtay Codsigii Kenya ee dacwadda badda

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka...

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Jimcihii shaaciyay inuu kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta,...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Norway Partners with South West State to Boost Electricity Development in Somalia
English News

Norway Partners with South West State to Boost Electricity Development in Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
  • Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
  • Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00