Soomaaliya oo si rasmi ah uga Jawaabtay Codsigii Kenya ee dacwadda badda

Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kenya ee ah in dib loo dhigo dhagaysoga dacwadda muranka badda oo ay lagu wado inuu bilowdo Insiinta 9-ka Sebtemebr socdana ilaa 13-ka bisha.

Soomaaliya ayaa jawaabteeda ku sheegtay in tallaabada Kenya qaadday ay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad.

Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca.

Hayeeshee Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media