Goordhow ayaa waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay markale mudo 24 Saac ah kadib Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaas oo dacwad lagu soo oogay.
Maxkamada ayaa waxaa hadda ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Eheladiisa si ay kor joogto uga noqdaan Maxkamadeyntiisa.
Xeer ilaalinta Qaranka ayaa laga sugayaa in ay maanta soo bandhigto cadeymaha laga doonayo ee ku aadan dembiga loo heysto Cabdirxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Ugu dambeyn is Maanta ayaa la filayaa in Kiiska Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur la soo gaba gabeeyo.
Xalay xili dambe ayaa mudo Saddex Maalin ah kadib suurtagashay in Siyaasiga si damiin ah lagu siidaayo kadib markii ay waan waan sameeyeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Xildhibaanada labada Aqal iyo laba ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada.
Hoos Ka Daawo Sawirrada