Dambiilayaal u dhashay Maraykanka oo lagu helay inay qarxin lahaayeen Dhismooyin ay dad Somali ah deggan yihiin

Garsoore Federaal ayaa ku dhawaaqay in 3 nin oo Maraykan ah lagu helay qorshe ay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Dhismahaasi iyo Masjid ku yaalla Gobalka Kansas.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inay Eedeysanayaasha ka tirsan yihiin Maleeshiyo deggan Gobalka Kansas oo isku magacowda

The Kansas Security Force, waxaa lagu helay inay gudaha Maraykanka ka fulin lahaayeen Fal Argagixiso oo ay ku beegsan lahaayeen Dhismayaasha ay deggan yihiin  dadka Muslimiinta, gaar ahaan Soomaaalida ku nool Gobalkaasi.

Saddexda Eedeysane oo lagu kala magacaabo

Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein waxaa la xiray bishii October ee sannadkii 2016-kii, kadib, markii lagu qabtay waxyaabaha laga farsameeyo qaraxyadda, si ay ugu weeraraan Masjid iyo Dhismo ay Qoysas Soomaaliyeed ka deggan yihiin Gobalka Kansas.

Eedeysanayaasha ayaa wajahi doona Xabsi Daa’in, waxaana Maxkamadda la soo taaagi doonaa bisha June ee soo socota.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media