Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Goose ayaa la filayaa in Goordhow ee Caawa ah uu ka furmo shirka wadatashiga dowlad Goboleedyadda Dalka ka jiro.
Shirkaas waxaa ka qeybgeli doona oo Caawa ku Wada signs Magaalada Kismaayo Madaxweynayaasha Jubbaland’ Puntland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Kulankaan ayaa dad badan oo Siyaasada la socda ay ka qabaan shaki farabadan balse Madaxda ka qeybagleysa ayaa waxa ay sheegeen in shirkaan uu yahay mid Muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed.
Ammaanka Guud ee Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyada oo kulanka intiisa badan uu xiiso leeyahay Maalinta Berito ah.