Wararka Dalsan ay ka heleyso Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayan in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mamulka hir-Shabeelle lagu rasaaseeyay Gudaha Magaaladaas.
Gaariga la rasaaseeyay oo uu lahaa Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow ayaa waxaa saarnaa isaga iyo Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaanâ€Gacaneyâ€oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle isla markaana ku dhaawacmay rasaastii lagu furay.
Xildhibaan Colow oo goordhow la hadlay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in uu rasaaseeyay Ruux watay Dhar Shacab ah uusan garaneyn balse laga soo musaafuriyay degmada Balcad ee isla Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa rasaasta lagu furay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle xili ay marayeen Bartamaha Magaalada Jowhar.
Goordhow la socda Wareysi aan la yeelanay xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow