Shirkaan  oo ay kaqayb galeen wasiiru dowlayaasha wasaaradaha Amniga dowlad goboleedyada dalka,Gudoomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee wasaradda amniga gudaha dalka,sarakiil booliska oo ka socday,UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga dalka tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad gboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.
Wasiiru dowlayaasha Wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Maamulgoboleedyada.
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sharaxad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay  shirkaan maanta kismaayo ka furmay,waxaana uu wasiirku sheegay in xooga lagu saari doono tayeynta Ciidanka booliiska dalka iyo xoojinta Amniga dalka.
Shirkaan ayaa socon doona mudo labo casha ah,waxaana diirada lagu saari doona xasiloonida dalka iyo wada shaqeynta lamaaha Amniga.