Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in safar uu tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ugu ambabaxyo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku wehlin doona qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale, iyagoona halkaas Maalinta berri tegaya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka iyo Arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2020/2021.
Si kastaba Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kala dhexeeya Khilaaf siyaasadeed, iyadoo dowladda diiday dib u doorashii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.