Cali Maxamuud Cali Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee DFS ayaa 24,kii Bishii la soo dhaafay ee Octoper waxaa uu shaaciyay in xilkii laga qaaday Danjirihii Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta Cabduqaadir Shiikheey islamarkaana xilkaas loo Magacaabay Nin lagu magacaabo Axmed Daahir Maxamed.
War haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Cabduqadir Shiikheey uu diiday wareejinta xilkaas iyo in uu ku soo laabto dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho,.
Danjire Cabduqaadir Shiikeey ayaa xilkaas haya mudo dhowr Sano ah,waxaana weli lacadeyn sababta uu u diiday in uu xilkaas wareejiyo.
Xogo ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan Danjirayaal iyana diidan wareejinta xilkaas iyo isku-shaandheyn ay wado Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada kas oo bxday Xafiiska Wasaaradda rrimaha Dibedda Soomaaliya.