Sawirro:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia oo aas qaran loogu sameeyay Garoowe iyo Madax ka qey gashay

waxaa maanta lagu aasay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo Aaskiisa ay ka qeybgaleen, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha dalka,  Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa aaska Marxuumka ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Isimo iyo ehelada Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu Aasay qubuuro ku yaala dhanka bari ee magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal.

Meydka Ra’iisul Wasaare, Xasan Abshir, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeybgalay salaadda Janaazada oo lagu oogay gudaha garoonka ka hor inta aan loo duulin Garoowe.

Xasan Abshir Faarax, ayaa 12 bishan Luulyo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan, waxaa uu Wasiirka koowaad ka soo noqday  dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Marxuuma Xasan Abshir ayaa sidoo kale, soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dowladii kacaanka ka talin jirtay dalka, isagoo noqday Xildhibaan Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media