Ergadii ka qeyb gashay Shirkii Dhuusamareeb oo Casuumaad loogu sameeyay Guriceel

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in wafdiga ka socday dowlad Goboleedyada ee ku sugnaa maalmahan Degmada Dhuumasamareeb marti qaad loogu sameeyay magaalada Guriceel.

Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed oo la Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Guriceel ay ergooyinka ka qeyb galay shirka Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyeen beer ku taalo duleedka magaalada Guriceel, isagoo intaa ku daray in ergooyinka ay isugu jiraan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in sidoo kale uu Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe casho sharaf u sameeyay Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad goboleedyada, kaasi oo ujeedkiisu ahaa inay ku kala war qaataan mashaariicda dib u dhiska ee la doonayo in laga hirgeliyo xarumaha Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed ayaa tilmamay in uu jiro shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada, kaasi oo dhawaan ka furmi doono magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed.

“11-ka bishan ayaan ku balansaneyn in aan shir isugu imaano magaalada Baydhabo balse uu dib nooga dhacay, waxaana rajeynaynaa inaan goor dhaw qabano shirkaas oo aan uga arrinsaneyno dib u dhiska dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed.

Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Galmudug ay kala kulmeen soo dhaweyn walaaltinimo oo aad u sareyso, isagoo intaa ku daray inay ku guuleysteen xaqiijinta amniga qaar ka mid ah deegaannada Galmudug oo iminka ay wafuudda ku marayaan safar dhulka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media