Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in khasaaro xoogga uu ka dhashay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiye beeleed oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Dagaalka oo socday saacado badan isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisay kala duwan ayaa ka dhacay deegaano lagu magacaabo Barwaaqo iyo Beyre.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaan ku geeriyooday ku dhawaad 3-qof waxaana maleeshiyaadka dagaalamaya ay kasoo jeedaan dhinaca maamulka Puntland iyada oo weli xiisadi ay ka taagantahay deegaanadii lagu dagaalamay.
Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo Ku sugan gobolka Mudug waxaa dagaalka sababay dilka Nabadoon caan ahaa kaas oo lagu dilay deegaanka Bursaalax,iyada oo maleeshiyaad ka caroodayna ay dagaalka galeen.