Sawirro:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi ayaa Dalka Qadar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare ku xigeenka uga mahadceliyay sida uu Dawladda Qadar u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in DOHA sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media