Agaasime Koofi oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jabuuti

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Koofi oo safar shaqo ku gaarey dalka Jabuuti, ayaa maanta la kulmey taliyaha booliiska iyo taliyaha socdaalka dalka Jabuuti.

Kulanka oo ka dhacey Taliska booliiska Dawladda Jabuuti, ayaa laga wadahadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka, isweydaarsiga khibradaha iyo xuduudka dhulka ee u dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha oo ay safarka ku wehlinayeen saraakiil ka socota xaafiiska xariirka dibadda ee HSJ ayaa uga mahadceliyey taliska booliiska Jabuuti soo dhoweynta iyo weliba wadashaqeynta hadda jirta.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media