Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka soo degtay diyaarad siday mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Ereteriya,kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibada Ereteriya Cusmaan Saalax,waxaan Garoonka diyaaradaha Adan-Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wafdiga ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ay kulan kula qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre,iyaag oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa labada dowladood ee uu xiriirkooda bilaawday
Wafdigaan Maanta soo agarey Muqdisho ayaa waxa ay hordhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Ereteriya oo la filayo in uu dhawaan soo gaaro Magalada Muqdisho.