Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Galmudug oo looga hadlay arrimo kala duwan.
Shirkaan ayaa waxaa Madaxweyne Qoorqoor ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, isla markaana waxaa ka qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Maamulka.
Inta uu socday shirka Golaha ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga guud ee deegaanada Galmudug iyo dhisidda Goleyaasha deegaanka, sidoo kalana ay qaar kamid ah wasaaraduhu ay kusoo gudbiyeen Hindise Sharciyeedyo ay soo diyaariyeen.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Golaha uga warbixayay safarkii uu ku tagay Magaalada Muqdisho iyo heshiiskii siyaasadeed Madaxda lagu dhameystiray hanaanka doorashada dalka ee sanadka 2020/2021.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa shirka golaha kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaalla Xukuumadda iyo fullinta qorsheyaasha hortabinta leh ee u degsan dowlad Goboleedka Galmudug.