Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho

Howlgalkan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxa ay Maanta ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada yaaqshiid ee gobolkan Banaadir halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal amnidarro.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafadaha ku teedsan Suuq Bacaad iyo Xaafado kale,waxana la sheegay in lagu qab qabtay dad dhalinyaro u badan.

Qof ka mid ah Ganacsatada Suuq Bacaad ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in Ciidamadu ay qab qabteen dad dhalinyaro u badan,kuwaas oo la isku geyey Xarumo ay ciidanku leeyihiin si baaritaan loogu sameeyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in intii uu howgalka socday uu saameyn ku yeeshay goobahooda Ganacsiga ,isla markaana mudo saacado ah uu hakad ku jirey balse haatan u si caadi ah Ganacsigii u socdo.

Si kastaba shalay ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya wax ay agagaarka laanta suuq Bacaad ku dileyn nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana Isgoyska Darjiinka ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor