Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markale shaaciyey in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan aqbaleyn in la musuq maasuqa hantida Qaranka,cidii ku kacdana talalabo laga qaadi doono.
Waxa uu sheegay cid walba oo ka tirsan dowladda iyo kuwa iskudaya in ay musuq maasuq ku dhaqaaqaan in aysan calfan doonin tallaabana laga qaadi doono waa sida uu hadalka u dhigay
“Ma aqbaleyno in dalkaan lagu dhaqo musuq maasuq,Qof walba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama cid kale ahaaw ee xil u haya Dowlada Soomaaliyeed ee ku fikiraya in aan ku tagrifasha xoolaha Ummadda ama musuq maasuqa,waxana kuu sheegayaa inaadan calfaneyn ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya loo xir xirey arrimo la xiriira musuq maasuq,kuwaas oo isugu jira Wasiiro,taliyeyaal iyo kuwo kale.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.