Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo galabta kormeer sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Maaliyada iyo dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaarada ahna ku-simaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli uruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka Wasiirradda Xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media