War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amaanka gacanta ku dhigeen xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Qoraal la so dhigay Barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ninka la qabtay uu sahan uga ahaa Al-Shabaab Agagaarka degmada afgooye,isla markaana uu la socon jiray dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Dowladda si Al-Shabaab wadada u galaan.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka Ninkaasi lagu soo qabtay aysan cidna waxba ku noqon,isla markaana uu u dhacay sidii loogu talo galay.
Sidoo kale lama shaacin Magaca Ninkaas,balse NISA ayaa bilihii u dambeysay waxa ay shaacineysay howlgallada ay ka fuliso dalka iyo waxyaabaha ay ku qabato.