DEG DEG:-Maamulayaal Iskuul oo lagu dilay Magalada Muqdisho

Dilka Maamulayaashaan ayaa waxa uu Salaadii Maqrib kadib ee Caawa uu ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta degmada Yaaqshiid gaar ahaan halka lagu Magacaabo Buurka.

Dadka Xaafadaas ayaa u sheegay Dalsan in Rag hubeysan ay dileen Maamulaha Iskuulka Alfuraat iyo ku xigeenkiisa,isla markaana laga qaatay Qalab ay wateen,sida Mobelo iyo Computero.

Maamulaha la dilay ee Iskuulka AlFuraat ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan,isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkooda ay baxsadeen.

Weli macadam dadka ka dambeeyay dilkaas,balse waxaa dadka qaarkood ay shegeen in loo maleynayo inay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah oo ka qaatay Agabkii ay wateen sida Mobelo iyo Computero.

Dadka ka agdhow halka uu dilka ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya ayaa Goordhow gaareen halka dilka uu ka dhacay.

Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor