Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliya ayaa Maanta waxaa ka soo hormuuqday Rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab isla markan sahmin jirya qaraxyada Maqaaxiyaha Magaalada Muqdisho loo geyso.
Raggaan ayaa waxa ay agaraayn ilaa 4,waxa ayna kala yihiin.
1:- Max’ed Cumar Akiile C/raxiinÂ
2:- C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed
3:- C/laahi Ibraahin GeeseeyÂ
4:- Daa’uud Max’ed Cali Max’ud
Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qlabka sida ayaa Goobta ka sheegay qof walba eedeynta loo jeedinayo.
1:-Maxamed Cumar Akiile C/raxiin ayaa lagu eedeeyay in uu ka mid yahay Al-Shabaab isaga oo ay ciidamadu qabteen 15/05/2017 Â isaga oo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo ee degmada Xamarweyne Gobolkan Banaadir.
2:- C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed ayaa loo heystaa sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha ku yaalla Muqdisho xiliyada ay dadku ku badan yihiin.
Sigaar ah waxa ay xeer ilaalintu ugu eedeysay qaraxii ka dhacay 13/03/2017 Maqaayad ka soo horjeeda Hotel Wehliye, iyo sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga ka soo horjeedka Wasaarada Sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.
3:- Daa’uud Max’ed Cali Max’ud ayaa isna lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab si gaar ah kuwa faafiya fikirkooda kana howlgeli jiray Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose sidoo kalena uu lacag siin jiray markii ay qaraxyada maleegaan labada eedeysane ee an soo sheegay.
4:-  C/laahi Ibraahin Geeseey ayaa isna lagu eedeeyay  Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo,sigaar ah waxaa la sheegay in uu Al-Shabaab u soo dejiyay Gaarigii Saarufta ee ku qarxay kas oo horjeedka Wasaaradaha Amniga Soomaaliya,sidoo kale wxa uu soo dejiyay Gaarigii ku qarxay Wadada Maka Almukarama 3/07/2017.
Sikastaba difaacayasah u doodaya eedeysanayasha ayaa waxa ay dalbadeen in kiiskaan la soo xiro hadii aan laheyn cadeymo muujinaya falalka loo heysto,waxana intaasi kadib gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabk sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu Xeer ilaalinta ku amray cadeymo dheerad ah oo ku saabsan dembiga raggaan loo heysto.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Dhageyso Dacwada Maanta
Â
Â