Kadib, markii ay Saraakiisha Taliska Ciiddanka Badda EU-da ka jooga Xeebaha Somalia ay shalay Dowladda Sishilis ku wareejiyeen 6 Burcad-baddeed Somali ah waxay Labada dhinac yeesheen Kulan loogu xoojinayo Iskaashigooda ku aadan La-dagaalanka Burcad-baddeeda.Madaxweynaha Sishilis, DANNY FAURE waxa uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciiddanka Badda EU-da ee ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia, Admiral Fabiyo Geregori iyo Qunsulka Talyaaniga u jooga Sishilis, KALUUDIYO IZZ.
Admiral Fabiyo Geregori oo ka hadlay Qaabilaadaasi waxa uu Warbixin kooban ka bixiyey Hawlgalkii ay dhawaan ku soo qabteen 6 Burcad-baddeed oo ay Dowladda Sishilis ku wareejiyeen.
Sidoo kale, Madaxweynaha Sishilis iyo Taliyaha Ciiddanka Badda ee Hawlgalka EU-da ee Xeebaha Somalia waxay kaloo ka wada hadleen Xoojinta Iskaashigooda ku aadan La-dagaalanka Burcad-baddeeda iyo Tababaradda ay EU-da siiyaan Ciiddanka Badda ee Jesiiradda SISHILIS.