Wararka uu radio Dalsan ka helayo Magaalada Qardho ayaa waxa uu sheegayaa in uu shil Gaari ku dhaawacay Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland qeybta Malaariyada.
Agaasime Dr,Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa Wararku waxa ay sheegayaan in uu dhaawaca ka soo gaaray madaxa iyo qeybo ka mid ah lugihiisa maadaama Gaariga uu sixowli ah ku socday.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in dhaawaca Agaasimaha haatan lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Qardho isla markaana Masuuliyiin ka tirsan Puntland ay isbitaalka ku booqdeen.