Sawirro:-Puntland oo xirtay Wariye facebook ku taageeray Dowladda kana soo horjeestay Shirka Kismaayo

Wariyaha la xiray ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed  Darwiish,waxaana Maanta Baraha Bulshada uu ku soo bandhigay Sawiro iyo qoraal uu kaga soo horjeedo Shirka Madaxda Dowlad  Goboleedyada ee ka socda Magaalada Kismaayo, isla markaana uu taageeray  Dowlada Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Puntland ayaa Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Garoowe waxa ay u sheegeen in amarka lagu xiray Wariyaha uu bixiyey Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magalada Kismaayo.

Wariyaha la xiray ee Maxamed Darwiish ayaa waxaa Barha Bulshada ay isticmaasho uu soo dhigay sawiradiisa,isaga oo Gacanta ku wata Warqad ay ku qoran tahay”Dalkan hal Madaxweyne ayuu leeyahay” iyo hadal kale oo ahaa”Raali kama nihin Shirka madaxda Maamul goboleedyada.

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa weli ka socda Magalada Kismaayo,waxana dad badan aaminsan yihiin in dowladda Soomaaliya looga soo horjeedo wallow Maanta Wasiirka Warfaafinta uu sheegay inay shirkaasi soo dhaweynayaan.

Hoos Ka Daawo Sawirada uu ku faafiyey Bartiisa Facebook.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor