Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba Somaliland.
Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 30,000 (soddon kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee bartaha caasimadda Hargeysa ah dugsigii kasoo baxay 53 sano ka hor, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu tilmaamay inuu geliyey waqti badan iyo tamarba.
Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fadhiisanaysa guud ahaanba, waxana uu xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee gacantiisa ku qaybiya imtixaanka Somaliland.