Sawirro:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo xariga ka jaray Xarumo loo dhisay Wasaaradaha Maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada qaar ka mid ah Wasaaradaha Hirshabeelle oo Dayactir lagu sameeyay kaasi oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Hirshabeelle iyo hey’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

Munaaasabad Kooban oo lagu qabtay xaruntaasi ee Magaalada Jowhar oo dayactirka lagu sameeyay ayaa waxaa si wada jir ah xariga ugu jaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya George Crown, waxaana Goob Joog ka ahaa halkaasi Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Howlaha Guud, Amniga, Maaliyadda, iyo Cadaaladda, Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo iyo Mas’uuliyiin Kale.

Mas’uuliyiinta Ka socday UNDP ee soo Gaaray Maanta Magaalada Jowhar ayaa kulan kula qaatay Qasriga madaxtooyada Hirshabelle Madaxweynaha, ku Xigeenkiisa, guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Hirshabelle kala dhexeeya UNDP islamarkaana mashaariic wax ku ool looga hirgalin lahaa taasi oo qeyb ka ah shaqo abuurka Dhalinyarada iyo ka wacyi galinta Xagjirnimada, dhisida iyo horumarinta Hey’adaha Dowladda.

Maalmahaan ayaa la filayaa In la Hirgaliyo mashaariicyo waaweyn oo waxtar u leh dadka iyo dadka taasi oo qeyb ka ah Dadaalada Madaxweynaha Waare uu ku doonayo sal u dhigida iyo Horumarinta Dowladnimada Hirshabelle.

Sponsered

Comments
Loading...