DEG DEG:-Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya oo is casilay

War ka soo baxay hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Taliyaha Hay’adda Nabadsguda Soomaaliya uu iska casilay xilkaas.

War lagu qoray Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Taliye Xuseen Cismaan Xuseen uu warqadiisa is casilaada u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

In kastoo sabab is casiladiisa lagu sheegay in ay tahay arrimo isaga u gaar ah ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu u sharaxan yahay u tartamida kursi ka banaan Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor