Akhriso:-Sababta uu isku casilay Taliyihii Nabadsugida Soomaaliya

Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya xuseen Cismaan Xuseen ayaa Maanta sirasmi ah isaga casilay xilkaas,isaga oo warqadiisa is casilada u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

In kastoo sabab is casiladiisa lagu sheegay in ay tahay arrimo isaga u gaar ah ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu u sharaxan yahay u tartamida kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Xilka Taliyaha Nabad sugida loo magacaabay 19/2/2018,markaasi oo ay Golaha Wasiirada ay meel mariyaan magacaabista Taliyeyaasha Nabad sugida,Booliska iyo Ciidanka Asluubta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor