Sawirro:-Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gaadiidleyda BL-ka oo kulan yeeshay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddiga gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa Ujeedkiisa waxa uu ahaa Xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gaadidka BL-ka eek a shaqeysa Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay guddiga Bl-ka howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u haayaan iyo sida ay uga qeyb qaataan horumarka Caasimadda, Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay gudiga gaadiidka BL-ka in ay kaalin ka qaatan nabad galyada iyo ilaalinta sharuucda isticmaalka wadooyinka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa,iyadoo saakay Ex Koontarool ee Magaalada Muqdisho ay banaanbax ka dhigeen qaar kamid ah Darawallada gaadiidka BL-ka,isla markana ka cabanayay Wadooyinka xiran ee Muqdisho,iyadoona sheegay inay ay bixiyaan lacagta Canshuurta laga qaado.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media