Barlamaanka Hirshabeelle oo kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha Maamulka

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta muddo kordhin loo sameeynayo xilka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, isla markaana waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa in ka badan 65 Xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah u qaaday ansixinta in muddo xileedka Madaxweynaha Maamulka iyo Baarlamaanka la kordhiyo oo markii horey ahaa 4 sanno, waxaana Maanta laga dhigay muddo 5 sanno ah.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada Codadkii la dhiibtay, isla markaana waxaa ogolaatay ansixinta muddo kordhinta 66 xildhibaan, waxaa diiday 3 Mudane, halna waa ka aamusay.

Muddo kordhinta ayaa kusoo aadeysa, iyadoo weli aan xal laga gaarin tabashooyinkii ka dhashay doorashadii bishii lasoo dhaafay ka dhacday Magaalada Jowhar, isla markaana banaanbaxyo looga horjeedo Cali guudlaawe ay ka dhaceen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media