Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta mar kale waxa ay diiwaangeliyeen Xisbiyo Cusob oo ku soo biiraya Xisbiyadii ay horay sida KMG ah ugu diiwaangeliyeen.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta Guddiga doorashooyinka ee Muqdisho ayaa Maanta waxaa si KMG ah loogu diiwangeliyey,isla markaana qaatay Shaqaadooyinkii Xisbinimo ilaa 7 xisbi Siyaasadeed,kuwaas oo ka soo baxay shuruudihii looga baahnaa
Horay ayaa guddiga doorashooyinka waxa ay u diiwaangeliyeen 15 Xisbi,waxaana markii la isku daro ay noqonayaan 22 Xisbi Siyaasadeed,waxaana weli harsan Xisbiyo kale oo la sugayo markii Shuruudaha ay ka soo baxaan in la diiwaangeliyo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya xilligii dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhawaan Wareysi siiyey Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Xisbiyada faraha badan si qaldan loo diiwaangeliyey,isla markaana ay wanaagsaneyd in ay ka badan Saddex Xisbi balse haatan ay marayaan 22 Xisbi.