Maalintii saddexaad ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Jubbada Hoose ka kala dhacay banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Jubbaland.
Shalay ayaa waxaa degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose banaanbax ka dhigay boqolaal ka mid ah Shacabka degmadaas iyaga oo aad u dhaliilay siyaasada Madaxda Maamulka Jubbaland.
Mid la mid ah Maanta waxa uu sidoo kale ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxana ka qeyb qaadanayay Shacabka ku nool degmadaas,badi oo isugu jira,Odayaal,Haween iyo Carruur.
Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay Gudaha degmada Baardheere ku gubeen Taayaro,iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ka mid yihiin Maamulka Jubbaland doonimeyno iyo Eryayo kale oo ka dhan ah Maamulka Jubaland.
Deegaano badan oo ka mid ah Gobolada Jubbada Hoose iyo gedo ayaa waxaa sidoo kale ka socda abaabul ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,iyada oo ilaa iyo hadda madaxda ugu sareysa Jubbaland ka hadlin banaanbaxyadaas.
Jimcihii degmada Garbahaareey waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday booqasho la sheegay in Axmed Madoobe uu degmadaas ku tegi doono,waxaana banaanbaxayaasha ay dhaawaceen Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo hoggaaminayey Wafdo hordhac u ah Axmed Maooobe oo gaaray degmadaas.