Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay Maqaayada ku taalla agagaarka Isbitaal Digfeer ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir,waxana la sheegay in lagu guuleystay in dabkaasi la demiyo.
Dabka ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu markii hore ka kacay qeyb ka mid ah Maqaayada,isla markaana qeybaha kale uu ku sii faafay,waxana ka dhashay khasaaro hantiyadeed.
Qaar ka mid ah Agabkii Maqaayada ayuu saameyn ku yeeshay dabka,waxana la sheegay in ay basbeeleen,in kastoo markii dambe lagu guuleystay deminta dabkaas.
Gawaarida dab damiska iyo dad ka agdhawaa Maqaayada ayaa dadaal badan ku bixiyey sidii loo demin lahaa si uusan goobo kale oo ganacsi ugu sii fidin,iyaga oo ugu dambeyn ku guuleystay inay demiyaan dabkii.