Waxaa Maalintii labaad Xiran Garoonka Diyaaradaha ugu weyn Gobolka Hiiraan ee k u yaalla Magaalad Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas.
Xeritaanka Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ayaa loo sababeynayaa in ay biyo farabadan fariisteen Garoonka ka dib markii Magaalada Baladweyne uu ka Da’ay Roobkii Guga sida ay Dalsan u xaqiijiyeen Bulshada ku nool Baladweyne.
Sidoo kale waxaa la sheegay in uu u baahan yahay dayactir lagu sameeyo iyo in loo furo wadooyinka soo gala Garoonka ay xireen Biyaha Roobka.
Bulshada Baladweyne ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in dhamaan Albaabada la iskugu dhuftay Xafiisyada Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ay ku leeyihiin maadaama Garoonka uusan Shaqeyneynin.
Ugu dambeyn waxaa la sheegay in qofkii raba Baladweyne uu Diyaarada uga soo degayo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ugu dambeyna uu Gaari ka soo raacayo si uu ku soo galo Gobolka Hiiraan.