Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta ka qabsoomay kulanka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle,waxaana Shir Guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen .
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay Kka mid ahaayeen dhameystirka ka Doodista Hindise Sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dar-dargelinta Arrimaha Amniga.
Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Golaha Wsiirada kula dardaarmaay inay siwanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo.