Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay qaar kamid ah Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiskiisa aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Kulan Gaar ah Kula Qaatay Qaar Kamid ah Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee ku Dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir isagoo kala Hadlay sidii Loo xoojin Lahaa wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Naafada ah.

Kulankani waxaa Goob Joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo xog’hayaha Guud ee Gobolka Banaadir iyadoo Duqa Magaalada Muqdisho uu Warbixino Quseeya Xaalada Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba ka Dhageestay hogaanka Golaha Naafada Qaranka kuwaas oo sheegay iney dadka Naafada ah u Baahan yihiin Daryeel Gaar ah iyo iney Helaan Fursada Lamid ah kuwa La siiyo Dadka Lixaadkooda dhameestiran yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay garab istaaga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba iyo iney helaan Fursada Wax ku-ool ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media