Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya guutad 11 aad qeybta 43 aad,kuwa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka sida garka ah utaba baran ee Danab ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ay fuliyeen deegaano hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbaada Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay Nawaaxiga degmada Jamaame,halkas oo Saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal dhexmaray labada dhinac oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka howlgal fuliyay oo ka dhaqaaqay webiga ay weerar qorsheeysan kula wareegeen tulada lagu magacaabo Bandar jadiid oo degmada Jamaame ujirto 3-kilo mitar,iyadoona sheegay in halkaas ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalka ay uga dileen 15 dagaalame,halka 5 kalena ay ka dhaawaceen,waa sida ay hadlka u dhigeen Saraakiisha dowladda.

Waxaa kaloo Ciidamada ay tilmaameen in howlgalka inta uu socday lagu qabtay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, kuwa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka sida garka ah u tababaran ee DANAB ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ka waday howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media